Meeting with the President Said Deni on 22 Dec | La kulankii Madaxwaynaha Puntland Sicid Dani ee 22 Disembar

On 22 December the Acting Director Eng Guled Ahmed Yusuf and the EUCAP Somalia Project Manager Mr Marco Hekkens met with HE President Said Abdullahi Mohamed (Deni) and the Deputy Director-General Abdiweli Ali Abdulle. The President was apprised of the progress of the JMICC and the intentions for 2020. Priorities for 2020 are inter alia the Establishment Act for the JMICC; the completion of inter-connected Coastal Reporting Nodes along the Puntland coast; initiate planning for the future Situation Centre and increase connectivity with regional Maritime Situation Awareness and Maritime Rescue Coordination Centres.

Read More

Lift for maritime sector in Kenya and Djibouti after fall in piracy

A very interesting article was published by Mr Robert McCabe titled “Lift for maritime sector in Kenya and Djibouti after fall in piracy”. The article emphasises the important relationship between security (and maritime security) and development as a critical requirement to fully exploit the enormous potential of the “Blue Economy” for the Puntland State of Somalia. It was for this reason that Project JMICC was proposed to the Puntland Government in October 2016; and launched early 2017.

Read More


Qoraal aad u muhiim ah ayaa waxaa qoray Mr Robert McCabe oo ciwaankiisu yahay “Lift for maritime sector in Kenya and Djibouti after fall in piracy” qoraalku wuxu xoojinayaa muhiimadda ka dhexaysa ammaanka, amniga badda iyo horumarka oo lagama maarmaan u ah in si buuxda looga faa’iidaysto awoodda wayn ee “Blue Economy” ee dawladda Puntland ee Somalia.

Sababtaas ayaa ahayd in mashruuca JMICC loo soo bandigo dawlada Puntland Oktoobar 2016; oo kabilaabmay horaantii 2017.

Sii Akhri

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Wasiirka dekadaha ee Puntland oo booqasho ku yimid xarunta Hay’ada JMICC ee Garoowe

JMICC Team

Waxaa xarunta JMICC shalay oo taariikhdu ahayd 14-12-2019 soo booqday wasiirka kalluumaysiga mudane Faarax Maxamuud Xaaji Muuse iyo wasiirka Dekadaha Mudane Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), waxaa halkaas ku soo dhaweeyey sii hayaha agaasimaha JMICC mudane Guuleed Axmed Xaaji Yuusuf, sidoo kale waxaa halkaas ku sugnaa mudane Marco Hekkens oo ka socda hayadda EUCAP Soomaaliya xarunteeda Garoowe.

Read More

Tababar ku saabsan Aasaaska Sharciyada baddaha caalamiga ah oo ka dhacay xarunta EUCAP Garowe

 

Waxaa shaley oo taariikhdu aheyd 10-12-2019 lagu qabtey xarunta EUCAP ay ku leedahay Garowe tababar looga hadlayey sharciyada caalamiga ah ee badaha khuseeya, kaas oo uu soo jeedinayey khabiir ka socda waddanka Netherland. Waxa uuna la taliye sare oo dhinaca sharciga badaha (Senior Maritime legal advisor) u yahay xarunta EUCAP Somalia ee Muqdisho.

Tababarka waxaa iskugu yimid dad gaaraya ilaa 20 qof oo iskugu jira dad lagu tababarayo sharciga badaha, kuwaas oo ka kala socday shaqaalaha qaar ka mid ah Wasaaradaha Puntland ee ka shaqeeya Arrimaha Sharciga iyo badaha, Shaqaalaha hay’adda JMICC, ardayda jaamacada PSU iyo dad kale oo aqoon kororsi u yimid.

Ujeedada aqoon iswaydaarsiga ayaa ahayd in shaqaalaha wasaaradaha kushuqul leh shuruucda iyo badaha iyo ardayda barata sharciyada ay ka faaiidaystaan khuburada dhanka sharciga badaha ee u shaqeeya EUCAP Somalia

 

Source: JMICC PPIO

Short Training for the Bosaso Coastal Reporting Node Team | Tababar gaaban oo la siinayo Kooxda Warbixin Wareedka Bosaso.

The Project manager will visit the Bosasso Port Maritime Police Unit in period 26 – 30 November for a short training session. The purpose of the training is to make the Operations Team familiar with the reporting procedures between the Coastal Reporting Nodes and the JMICC.

This daily reporting, by using a standardized “Daily Situation Report” format is important to improve the shared understanding amongst Puntland security actors on what is happening in the coastal areas of Puntland.

During 2020, more Coastal Reporting Nodes will be connected to the JMICC, thus further improving the collective awareness across all safety and security actors.

Maamulaha mashruuca JMICC wuxuu booqan doonaa Qeybta Booliska ee Dekeda Boosaaso inta u dhaxeysa 26 – 30 Nofembar halkaas oo uu ka qaban doono tababar gaaban. Ujeeddada tababarka ayaa ah in Kooxda si wanaagsan ula qabsato habka warbixinta ee u dhaxeysa Xarun Wareedyada Xeebaha iyo Xarunta Xogta Badaha oo marka la soo gaabiyo loogu yeero (JMICC). 

Warbixintaan maalinlaha ah, iyadoo la adeegsanayo qaabka midaysan ee “Warbixin Xaaladeedka Maalinlaha ah” waa muhiim in la wanaajiyo fahamka ay wadaagayaan u adeegayaasha amniga Puntland iyo waxa ka dhacaya aagga xeebaha ee Puntland. 

Inta lagu guda jiro sannadka 2020, Xarunta JMICC waxaa lagu soo xiri doonaa Xarun-wareedyo xeebaha ah oo badan, sidaa darteed waxaa sii jiraya wacyi gelin wadajir ah ee dhamaan u adeegayaasha amniga iyo nabad-galyada.