On 22 December the Acting Director Eng Guled Ahmed Yusuf and the EUCAP Somalia Project Manager Mr Marco Hekkens met with HE President Said Abdullahi Mohamed (Deni) and the Deputy Director-General Abdiweli Ali Abdulle. The President was apprised of the progress of the JMICC and the intentions for 2020. Priorities for 2020 are inter alia the Establishment Act for the JMICC; the completion of inter-connected Coastal Reporting Nodes along the Puntland coast; initiate planning for the future Situation Centre and increase connectivity with regional Maritime Situation Awareness and Maritime Rescue Coordination Centres.
A subsequent detailed briefing for the President and stakeholder Ministers to define the plan of action is planned for early January 2020.
La kulankii Madaxwaynaha Puntland 22 Disembar
22kii Diseembar ayaa ku-simaha Agaasimaha Guud Mudane injineer Guuleed Axmed Yuusuf iyo Maamulaha Mashuuraca ee EUCAP Soomaaliya Mudane Marco Hekkens waxa ay la kulmeen Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Ku xigeenka agaasimaha madaxtooyada Cabdiwali Cali Abdulle. Madaxweynaha Puntland ayaa warbixin kooban laga siiyey horumarka la sameeyey, ahmiyada JMICC sannadka 2020, hirgalinta hay’dda; Dhameystiro Xarun Wareedyada Xeebaha Puntland;
In la bilaabo qorshaha mustaqbalka xarunta SITCEN iyo in la xoojiyo wadashaqeynta xarumaha ku yaalaha xeebaha lana kordhiyo wacyigelinta iyo in la sameeyo xarun laga hogaamiyo badbaadinta dadka ay dhibaatadu ka soo gaarta badda;
Waxaa la qorsheeyey in kulankan uu ku xigto kulan kale oo horraanta January ah oo si faahfaahsan lagu warsiinayo Madaxweynaha iyo wasaaradaha bahwadaagta la ah JMICC, si loo sameeyo tallaabooyin qorshaysan.
Source:PPIO