Waxaa xarunta JMICC shalay oo taariikhdu ahayd 14-12-2019 soo booqday wasiirka kalluumaysiga mudane Faarax Maxamuud Xaaji Muuse iyo wasiirka Dekadaha Mudane Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), waxaa halkaas ku soo dhaweeyey sii hayaha agaasimaha JMICC mudane Guuleed Axmed Xaaji Yuusuf, sidoo kale waxaa halkaas ku sugnaa mudane Marco Hekkens oo ka socda hayadda EUCAP Soomaaliya xarunteeda Garoowe.
Agaasimaha hay’adda ayaa warbixin kooban ka siiyey sida ay hay’adda u shaqeyso, kadibna waxa wasiiradu hal hal isu barteen shaqaalaha hayadda JMICC.
Booqashada wasiirradu waxa uu ahaa inay ogaadaan hawl maalmeedka hayadda JMICC, sidoo kalena la xoojiyo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’adda.
Ugu danbeytii waxa la isku raacay in ay timaado wada shaqayn, isweydaarsiga macluumaadka badda iyo in la fududeeyo hawlaha ka dhexeeya wasaaradaha iyo hay’adda JMICC.
Source: PPIO
