Tababar ku saabsan Aasaaska Sharciyada baddaha caalamiga ah oo ka dhacay xarunta EUCAP Garowe

 

Waxaa shaley oo taariikhdu aheyd 10-12-2019 lagu qabtey xarunta EUCAP ay ku leedahay Garowe tababar looga hadlayey sharciyada caalamiga ah ee badaha khuseeya, kaas oo uu soo jeedinayey khabiir ka socda waddanka Netherland. Waxa uuna la taliye sare oo dhinaca sharciga badaha (Senior Maritime legal advisor) u yahay xarunta EUCAP Somalia ee Muqdisho.

Tababarka waxaa iskugu yimid dad gaaraya ilaa 20 qof oo iskugu jira dad lagu tababarayo sharciga badaha, kuwaas oo ka kala socday shaqaalaha qaar ka mid ah Wasaaradaha Puntland ee ka shaqeeya Arrimaha Sharciga iyo badaha, Shaqaalaha hay’adda JMICC, ardayda jaamacada PSU iyo dad kale oo aqoon kororsi u yimid.

Ujeedada aqoon iswaydaarsiga ayaa ahayd in shaqaalaha wasaaradaha kushuqul leh shuruucda iyo badaha iyo ardayda barata sharciyada ay ka faaiidaystaan khuburada dhanka sharciga badaha ee u shaqeeya EUCAP Somalia

 

Source: JMICC PPIO